|

Fashilka Shirka Xamar iyo Fadeexada Cabdiweli

Waxaa in dhawaale la qaban qaabinayay shir aad looga dhursugayay oo Soomaalida  la doonayay in loogu unku dawlad qaran oo rasmi ah.  Ma cadeen qaab-ka wax loo sameenayo iyo abaabulka shirka, waxaase muuqatay in si deg deg ah la doonayay in mudo kooban lagu dhameystiro dastuur Soomaalida ay yeelato, isla markaasna la isu keeno Isimada Soomaaliyeed (waa sida warka loo dhigayee), si looga baxo qaabka 4.5 oo hada shirka saldhig u ah.  Hadii  la isugu keeni lahaa  Isimada ay wax ka go’aan iyo wax-garad-ka beelaha Soomaaliyeed lagu yaqaan rajo weyn ayaa laga qabi lahaa in shirkaas wax umada u dan ah ay ka soo baxaan.

Waxaa naxdin leheyd markii la soo bandhigay qaar ka mid ah magacyadii kuwa lagu sheegay in ay yihiin Isimadii iyo wax-garadkii beelaha Soomaaliyeed, ayaa mar kaliya sawaxan iyo qaylo dhaan aan horay loogu arag shirarkii hore ee Soomaaliyeed soo baxeen.  Hadaba maxaa keenay in qaylo dhaanta intaa la’eg ay timaado. Ma aha markii ugu horeyso ee la isugu keeno shir Isimada iyo wax-garadka Soomaaliyeed, maxaa uu kaga duwan yahay midkaan kuwii hore ee Soomaalida loo qaban jiray? Sida kii Carta. Shirkii Carta buuq kama taagneyn qaabka oday dhaqameedyada loo soo xulay, maxaa yeelay odayaashii meesha isugu tagay wax ahaayeen kuwa matala beelihii ay ka yimaadeen. Waxaa la yaab leh 12 sano ka dib in iyo xukuumada Cabdiweli Gaas ku fashilantay in isu keento odeyaashii  dhab ahaan u matalayay beelaha intaan wax kale oo natiijo ah laga dhur sugin.

Hadaba waxaa is weydiin leh maxaay tahay siyaasada ka danbeysa in qabanqaabiyaasha shirka iyo qolyaha loo xil saaray ay doortaan dad ayaga ay wataan oo aan matalin qabaa’ilka ay dadkaas ka soo jeedaan.  Waxaa kaloo la yaab noqotay in Cabdiweli ka xishoon waayay in seedigiis oo la yiraahdo Cabdiqani Suldaan Xasan oo lagu yaqaano fidnada dadka ehelka ah dhexdiisa mudo dheerna ku noolaa dalka Norway in uu ku magacaabo odey dhaqameed, xataa isaga oo aan tixgilin siin Isimadii iyo wax-garadkii beesha Cabdiqani ka soo jeedo, taas oo ah ixtiraam daro iyo meel ka dhac uu Cabdiweli beeshaas u geystay.

Cabdiweli seedigii waxa uu wadanka ku soo noqday ka dib markii Cabdiweli laga dhigay Raisul wasaare. Waxa uu u yimid in uu ka qeyb qaato sidii walaalkiis Yuusuf Suldaan Xasan X. Cali Baale oo lahaa odeynimada reerkooda loo caleemo saaro ka dib geeridii Suldaan Xasan Xaaji Allaaha u naxariistee, Cabdiqani waxa uu damac ka galay in uu saldanada reerka la wareego, sidaas awgeed waxaa uu qafaashay tacdina u geestay walaalkii Yuusuf Suldaan Xasan asagoo isticmaalay lacagtii qurbo joogta ay u soo uruurisay Yuusuf in lagu caleemo saaro.  Cabdiqani waxa uu ahaa  sarkaal nabadsugida dowladii Soomilyeed waxa uuna yaqaanaa qaabka mu’aamaraadka loo fuliyo, aqoona uma laha qaab dhaqanka odeyaasha beelaha, taasna waxaa u daliil ah sidii uu ula dhaqmay una af-lagaadeeyay Isimadii Puntland intii Garoowe la joogay, waana marag ma doonto dhaqankii Cabdiqani ku dhaqmay in uu ahaa wax ka baxsan dhaqanka, xushmada iyo karaamada  ka dhexeeysa odayaasha Soomaaliyeed.

Hadaba ninka sidaas u dhaqmay ayaa Raisul wasaaraha isaga oo aan dhawrin dhaqanka Soomaalida leedahay derisnimada wax-tarka qofka uu leeyahay iyo isaga oo aan ku ixtiraamin dowlada Puntland go’aamadii ka soo baxay oo ahaa in uusan ahayn Cabdiqani Suldaan Xasan Xaaji shaqsi matali kara bulshada Puntland, sidaas darteed ayaa Cabdiweli Gaas seedigiis si tahriib ah oo foolxuma ah ugu fududeeyay in uu ka soo qeyb-galo shirka odey dhaqmeedyada Soomaaliyeed

Waxaa sidoo kale jira qeylo dhaan ka imaaneysa qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyee sida beelaha Xawaadle, Habar-gidir iyo Digil iyo Mirifle iyo kuwa kale oo badan in ay cabsho xoog leh ay ka muujiyeen qaabka Raisul wasaaruhu sida tooska ah uu far-galinta ugu sameynayo soo xulashada odayaasha beelaha Soomaaliyeed, asagoo kuwa uu rabo magacaabanaya (pick and choose).

Su’aasha is weydiinta leh wexay tahay dadka noocaas lagu soo xulay ma waxaa looga fadhiyaa in ay fuliyaan ama ay gaaraan maslaxada umada Soomaaliyeed, mise waxa ay fulinayaa dan gaar ah oo Cabdiweli uu wato, su’aashaas jawaabteeda waxay u taalaa umada Soomaaliyeed.  Waxaa iska cad shirka qabanqaabadiisu noocaas ay tahay in aan laga fileyn in ka soo baxdo natiijo anfacaysa umada Soomaaliyeed.

Waxaan kula talinayaa beesha caalamka hadii ay doonayaan shirkaan in ay wax la taaban karo ka soo baxaan in dib looga fiirsado marin habaabinta Cabdiweli uu shirka Soomaalida ku sameynayo.

Cabdiweli waxaan ugu naseexeen lahaa waa nin aqoonyahan ah ma wanaagsana qof alaale iyo qofkii u naseexeeya in uu ugu hanjabo in shirkaan beesha caalamka ay wadato qofkii ka hor imaadana uu la kulmi doono cawaaqib xumo, waxaad media-ha ka sheegtaa in ay odayaashu ay cadaalad sameeyaan adiguna aad ugu horeyso qof cadaalad daro sameeya. Waxaan ku leeyahay Cabdiweliyow sidaas waxba kuma hagaagayaanee dib isugu noqo.

Qore: Mohamed A. Yahye

Jiracle76@hotmail.co.uk

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=3008

Posted by on May 9 2012. Filed under Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented