|

Wararkii Ugu Danbeeyay Weerar Ismiidaamin Qasaare geestay oo Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada

Waxaa Saakay Weerar Ismiidaamin ah uu ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee ee Magaalada Baydhabo halkaas uu isku qarxiyay nin ee ku xirnaayeen waxlaha qarxa jirkiisa.

Weerarkan Ismiidaaminta ah ayaa noqday mid fashilmay kadib markii Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ka hortageen in Ninka isqarxinayeen in uu gudaha u galo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas ee kusuganyihiin Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Saraakiil Itoobiyaan ah.

Wararka aan ka heleyno qaabka uu weerarka u dhacay ayaa sheegaya in Ruux Walxaha qarxa isku soo rakibay in uu damcay in uu gudaha u galo Xarunta Madaxtooyada hasa ahaatee ilaalada ee ka diiday isagoona xiligaasi kadib dib iskaga laabtay.

Daqiiqado yar kadib ayuu ninkii isqarxinayay isaga oo wata bac ee alaabo kujiraan sida Rooti iyo alaabo kale kusoo laabtay iridka madxtooyada markaas uu shakiyay mid kamid ah ilaalada uuna damcay in uu toogto hasa ahaatee uu ka diiday Tiliyihii ilaalada ee Goobtaasi.

Taliyaha ayaana amray in la baaro ninkaas kahor inta aan la toogan waxaana loo diray mid kamid ah Askarta si uu u baaro hasa ahataee markii uu baaritaan ku bilaabay ayaa waxaa qarxay ninkii Walxaha qarxa ku xirnaayeen waxaana goobtaasi ku dhintay Ninkii is qarxiyay iyo Askarigii baarayay.

Saraakiisha Ciidanka Dowlada ee Magaalada Baydhabo ayaana qaraxaasi ku tilmaamy mid fashilmay eena ka hortageen nin naftii haliga ahaa in uu gudaha u galo Xarunta Madaxtooyada dad badana uu ku laayo.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Ismiidaamin ah ee ka dhaca Magaalada Baydhabo tan iyo markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya dhawaan kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2973

Posted by on Apr 17 2012. Filed under Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented