|

Shirkii Farmaajo ee Magaalada Bristol oo si wanaagsan u dhacay iyo TAYO oo taageero buuxda heshey(SAWIRO)

Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna xoghayaha guud ee xisbiga TAYO Maxamed Cabdullai Maxamed (FARMAAJO) ayaa shir weyn kula yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee waddanka UK magaalada Bristol.

Shirkan oo lagu qabtey Hoteel aad uwayn oo la dhaho Bristol Hotel ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey hoolkii shirka Soomaali badan oo ka kala timid gobolada waddankn Ingiriiska sida Magaalada London, Leiceter, Birmingham iyo Northampton.

Shirkan oo lagu soo galayay casuumad kaliya si loo sugo tirade dadku ineysan dhaafin intii loogu talo galay in kabadan ayaa ku bilawdey jawi wanaagsan. Raisul Wasaaraha waxaa shirkan ku weheliyay marti sharaf kale oo ay kamid aheyd marwadiisa Marwo Saynab Macalin, iyo Dr. Maryama Qaasim oo ah guddoomiyaha Xisbiga TAYO isla markaana wasiir kasoo noqotey wasiirka haweenka iyo arimaha Qoyska ee xukuumaddii Farmaajo. Sidoo kale waxaa weheliyay Xildhibaanad Aamino Saciid oo kasoo duushay dalka Sweden iyo Cabdi Cumar oo ah wakiilka Xisbiga TAYO ee waddanka UK.

Dadweynaha meesha isugu yimid ayaa dhamaantood rabay iney arkaan, dhageystaan isla markaana la kulmaan Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u muuqdey in dadku ay u xiisaynayaan aragtidiisa. Shirkan oo ku bilawdey aayado quraan ah waxaa daadihinayay Axmed Cabdi oo kamid ahaa guddida qabanqaabada shirka waxaana goobta ka Hadley dad aad ubadan oo goobta joogey iyo Cabdiqaaadir Cali Boolaay oo isagu khadka Telka kaga soo qaybgalay isagoo ka qaybgalayay shirka ka dhacay dalka Holland oo lagu taageerayay xisbiga TAYO.

Dadkii goobta ka Hadley oo dhamaantood u mahadceliyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Bristol sida wanaagsan ee ay isugu soo dubarideen shirkan uguna guuleysteen qabsoomiddiisa ayaa waxaa dadkii goobta ka Hadley kamid ahaa:

1- Prof. Cumar Sabriye Cabdulle oo isagu ku Hadley afka odayada magaalada Bristol isla markaana soo dhaweeyey marti sharafka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee isaga timid meelaha durugsan isagoo dhanka kalena urajeeyey Farmaao iyo xisbigiisaba iney noqdaan hoggaanka dalka mustaqbalka dhaw.

2- Khatin Ducaale Qambi oo ah aqoonyahan dhalinyaroo isagu ku Hadley afka guddidii qabanqaabisey shirka isla markaana sheegey in xalka Soomaaliya uusan ahayn mid waqti badan u baahan isagoo xusey in 6dii bilood ee maxaakiimta iyo 6dii bilood ee Farmaajo ay caddeeynayaan in Soomaali haddii ay hesho caddaalad iyo dad tayo leh xalkeedu uu dhaw yahay. Khatin ayaa dadkii goobta yimid usheegey in umadda Soomaaliyeed ay ka buuxaan Farmaajooyin badan loona baahanyahay iney toosaan una guntadaan xal u helidda dhibaatada ragaadisey qarankii Soomaaliyeed.

3- Cabdixakiim Cali Casir oo uhadley codka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa aad ugu dheeraadey dhibaatada dhalinta Soomaaliyeed kasoo gaadhey burburkii qaranka Soomaaliyeed. Cabdixakiim ayaa sheegey muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu ay u istaagaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen

dib udhiska waddanka iyo sidii ay dalkooda uga shaqeyn lahaayeen isagoo dhanka kalena kala dardaarmey ineysan u hanqal taagin dibadda iyo qurbaha.

4- Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Raage oo isagu ku Hadley codka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa ku nuuxnuuxsadey 52 guurada xoogga qaranka Soomaaliyeed, isagoo ka sheekeeyey sidii loo aasaasey ciidanka iyo guulihii ay ka soo hoyn jireen furimada dagaalada. Gaashaanle dhexe Raage ayaa aad ugu dheeraadey muhiimadda ciidan xoog iyo tayo leh ay usameyn karaan dal iyo qaran.

4- Cabdi Cumar oo ah wakiilka Xisbiga TAYO ayaa isna ka Hadley goobta kana cosadey in Soomaalidu taageerto Xisbiga Tayo. Cabdi Cumar ayaa meesha ka aqriyey ahdaafta Xisbiga TAYO iyo qaabka loogu biiro karo.

5- Abuukaate Qaaray ahna guddoomiyaha Xisbiga Gurmad Qaran oo isna goobta si wanaagsan uga sheegay in xisbigiisu taageersanyahay TAYO ayna ku biiri doonaan

6- Xildhibaanad Aamino Saciid oo ka sheekeysey waxqabadkii xukuumaddii Farmaajo intii ay talada hayeen iyo sida loogu baahan yahay in dib loo helo xukuumad tayo leh oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

Kadib waxaa goobta lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga TAYO Drs. Maryama Qaasim oo ka hadashey muhiimadda Xisbiga TAYO kana hadashey wanaagga Farmaajo iyo aqoonta ay u leedahay intii ay la shaqeysey. Maryama ayaa soo qaadatey aayado Quraan ah iyo Axaadiis iyadoo baaq toos ah u dirtey umadda Soomaaliyeed, dumarka iyo raggaba kana codsatey iney hawlgalaan una istaagaan sidii qaranka Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa iyadoo sheegtey in Xisbita TAYO la garab istaago. Maryama Qaasim ayaa raga kula kaftantey “ Walaalayaal 21 sano ayaan gadaal idinka riixayney wax kasoo daray mooyee waxkalena ma jiraan ee hal mar walaalayaal nagu tijaabiya” ay

Waxaa kadib hadalka lagu soo dhaweeyey  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyadoo lagu soo dhaweeyey heesta astaanta u ah calanka qaranka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa hadlakiisa ku bilaabay mahadcelin uu ujeediyey jaaliyadda magaalada Bristol casuumaddii ay u fidiyeen iyo sidii ay u qabanqaabiyeen shirka isagoo dhanka kalena u mahadceliyey dadweynihii shirka isugu yimid. Khudbaddii Farmaajo oo meelo badan taabatay aadna loogu bogey iyadoo marwalba ay hakinayeen sacab iyo mashxarad ay dadweynuhu ku taageerayeen. Farmaajo ayaa ugu tacsi u direy qoysaskii iyo ehelkii afar marxuum oo ku geeriyoodey qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa umadda Soomaaliyeed kula dardaarmay iney udiyaargaroobaan iney qaybweyn ka qaataan dib udhiska qaranka Soomaaliyeed isagoo sheegey in loo baahanyahay dad tayo leh isla markaana damiir Soomaaliyeed oo dhab ah. Farmaajo ayaa ka dayriyey waxa uu ku tilmaamay inuusan ka seexan karin dhibaatooyinka Soomaaliya ayna ugu horeeyaan sida uu hadlaka udhigey “Maamul goboleedyada Soo badanaya Haddana Is diidan”. Faragalinta Shisheeye, Nabaadguurka iyo xaalufka Dhirta, Nabad xumidda iyo kala qaybsanaanta baarlamaanka iyo midka xukuumadda sida uu sheegey soo ifbaxaya maalmahan danbe.

Khudbada Farmaajo oo socotey muddo dhan 30 daqiiqo ah ayuu kusoo afmeerey in umadda Soomaaliyeed ay taageeraan ayna qayb ka noqdaan xisbiga TAYO isagoo sheegey inuu yahay mid isku keeni kara dhamaan Soomaalida Tayada leh ee damiirka fayoow si loo badbaadiyo qarankii Soomaaliyeed. Waxaa shirka si goos goos ah ugu jirey suugaanta Soomaaliyeed gaar ahaan Buraanbarka oo ay goobta ka soo jeediyeen Farhiyo Halgan, Nasra Warsame iyo Xildhibaanad Aamina Saciid.

Ugu danbeyn shirkii ayaa soo gabagaboobey saqda dhexe ee 11.30pm iyadoo kadib dadweynihii meesha isugu yimid ay fursad u heleen iney sawiro badan la qaataan Farmaajo iyo marti sharafka goobta . Dadweynihii meesha isugu yimid ayaa ku baaqey iney taageerayaan xisbiga TAYO ayna hiil iyo hooba lagarab taaganyihiin.

J

aaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Bristol ayaa waxey sidoo kale casuumeen madaxweynaha Dawladda KMG  ah Sheekh Shariif iyadoo shirweyn  lagu qabtey 24kii  bishii February ee sanadkan.

 

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2889

Posted by on Apr 17 2012. Filed under Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented