Raizul Wasaare Cabdi Wali Gaas oo Noloshiisa Halis Badan soo wajahday iyo ilaalada Madaxweyne Shariif oo la wareegay amaankiisa
Raizul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa soo wajahay haliso kala duwan tan iyo waxii ka danbeeyay markii uu ka badbaaday weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka kaa oo lagu qaarijin rabay.
inta badan ilaalada Raizul Wasaaraha ee amaankiisa gaarka ahaa qaabilsaneed ayaa laga dhigay kuwa la xiray kuwa baxsaday iyo kuwa shaqada laga eryay taa oo keentay in Raizul Wasaaraha uu soo galo cabsi xoogan oo ku aadan dhinaca amaankiisa.
Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya in amaanka Raizul Wasaare Gaas in markaan la wareegeen gurigiisana la geeyay qaar kamid ah ilaalada Madaxweyne Shariif oo tababar dheeraad ah qaba kuwaa oo saacadihii lasoo dhaafay Guriga Raizul Wasaaraha lagu arkayay iyaga oo kuwada hadlaya Sameecadaha dhagaha.
Warar aan la xaqiijin oo suuqa kujira ayaa sheegaya in Raizul Wasarae Gaas mar kale uu ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa kadib markii gurigiisa gaarka gaar ahaan qolka jiifka loogu xiray miinooyin balse laga hortagay ciidamo qolka baarayay ee fashiliyeen .
Raizul Wasaaraha ayaana habeen hore seexday Aqalka Madaxweytnaha kadib markii Gurigiisa Miinooyin laga helay taa oo sii kordhisay Cabsida Raizul Wasaare Cabdi Wali Gaas lagana shakiyo ilaaladiisa in ee ka danbeeyeen qorshaha fashilmay.
Xarunta madaxtooyada ayana shaki badan oo dhinaca amaanka ka bilowday kadib markii4-tii bisahaan Weerarka Ismiidaaminta ahaa uu ka dhacay Xarunta Tiyaatarka kaa ee ku dhinteen Masuuliyiin laf dhabar ahaa.
ilaalada Riazul Wasaare Gaas ayaan lagu tuhmay in ee wax badan ka ogaayeen weerarkaasi kuwaa oo hada qaarkood xabsiyada la dhgigay halka kuwa kalana ee baxsadeen qaarkoodna la sheegay in Magaalada Kismaayo oo Shabaab kataliyaan ee kasoo hadleen.
Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2977