|

Daawo Sawirada Kulan sanadeedkii sedexaad ee ducada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Cape Town oo lasoo gabagabeeyay.

kulankani oo sanadkiiba mar lagu qabto degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville ee magaalada Cape Town ayaa markani uu u muuqday mid ka duwan kuwii hore, waxana aad logu lafa guray sidii Soomalida Koonfur Africa ay ugu bixi lahayd dhibatada iyo sidii loo wanaajin lahaa magaca midnimada Soomaalida K/africa.

kulankani ay ka soo qeybgaleen bulshada qeybaheeda kala duwan iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Magaalada Cape Town ayaa soo qabanqaabiyay hey’adda culummada Soomaaliyeed ee South Africa Al-bayaan, xarunteeda gobolka Westren Cape,

Qodobka sida gaarka ah diirada loo saaray ayuu ahaa ” Sideen u dareesiinkarnaa ruux walba oo Soomaali ah in uu wakiil ka yahay umadda Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay muraayadda laga daawanayo Soomaalida” kaasi markii danbe aqoonyahanadii ka dhiibteen fikradahooda iyo sida uu xalka ku jiro, iyadoo la isku raacay in dadka loo marsiiyo wacyigelinta misaajidada iyo saxaafada Soomaalida kuwooda la iska arko iyo kuwa la iska maqlo.

Agaasimaha kulankani Sheekh Xuseen Shibis ayaa sheegay in waajib uu ka saaran yahay dhamaan intii uu ilaahay wax garadsiiyay wacyi gelinta bulshada isagoo tusaalooyin badan u soo qaatay qaladaadka Soomaalida K/africa oo uu sheegay in diiniyan iyo dhaqan ahaanba ay munaasab ahayn dhacdooyinka Soo noqnoqday iyo eedeymaha loo soo jeedinayo Soomalida wuxuna carabka ku dhuftay in la iska ilaawo xumaha iyo warxumo tashiilka isla markaana qalbiyada lagu abuuro Jaceyl iyo wanaag joogta ah si loo ilaaliyo sumcada Soomaalinimada.

Xoghayaha guud ee hey’ada dacwada islaamiga ah ee Al-bayaan Sheekh Axmed Dheere oo ka soo ambabaxay magaalada Johannsburg ayaa kalmadiisa gaar ah ka jeediyey madasha shirka wuxuuna nuuxnuuxsada wanaaga iyo hormarka ay Sooomaalida ka sameysay K/Africa ay ka sameysay balse sanadihii u danbeysay ay soo baxeen dad aad u yar oo qalqal ku abuurayey jiritaanka sumcadii iyo magaca Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee jaaliyada Soomaalida gobolka Westren Cape Xuseen Cali Cumar ayaa tilmaamay “in markani loo baahan yahay waxqabad dhab ah isagoo sharxaad dheer ka bixiyay sida ugu macquulsan ee loo gaari karo taasi” wuxuna hadalka intaa ku daray “in la helo guddi isku dhaf ah oo qibrad u leh wacyi gelinta bulshada iyadoo loo marayo saxaafada iyo misaajidada isla markaana warqado muhiim ah oo wacyi gelin ah lagu dhijinayo goobaha la isugu yimaado.

Dadkii ka soo qeybgalay kulankani ayaa ka ahaa ururweynaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee K/africa SOJASA kuwasi oo kaalin mug iyo miisaan leh ka qaatay hanaan socodka shirkani oo ahaa mid taarikhi ah oo loogu tashanayay mustaqbalka Soomaalida Koonfur Africa.

Xoghayaha Al-bayaan ee Gobolka Westren Cape Sheekh Bahjudiin oo ka hadlay madasha shirka ayaa aad ugu dheeraaday dhaqankii wanaaga iyo ku dayashada mudnaa ee Soomaalida isagoo soo qaatay tusaalooyin badan oo iminka qaarkood daaqada kasii baxaya.

Kulankani ayaa qadka taleefoonka kaga qeyb qaatay Dr Axmed Iimaam oo ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Dr Cali Maxamed Saalax oo isagane ku sugnaa Magaalada Oslo ee cariga Norway waxayna labadaba ku dheeraadeen sida loo samatabixin karo Soomaalida iyo Soomaaliyaba iyadoo la kaashanayo ku dhaqanka Kutubka Alle.

Ugu danbeyntii shirka ayaa soo xeray Maxamed Sh Yuusuf Sh Maxamud dhiblaabe oo ahaa daadihiyaha shirka, waxaana loo xilsaaray guddi sii wadda howlahani kuwasi oo ka shaqeyn doono sidii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii ka soo baxay kulankani.

Maxamed Muuse Nuur”Deeq Darajo”

Cape Town South Africa

Deeqdarajo100@hotmail.com

 



Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2992

Posted by on Apr 18 2012. Filed under Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented