Ciidamadii huwanta oo dib uga soo baxay saldhigyadii ay qabsadeen iyo shabaabka oo soo buuxiyay
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamadii isgarabsanayay ee Raaskambooni iyo TFG ay soo baneeyeen saldhigyadii ay laba maalin kahor ka qabsadeen Alshabaab iyagoo kusoo laabtay magaalada Qooqaani.Lama oga sababaha rasmiga ah ee ciidamadu dib ugu soo laabteen .
Dhanka kale dagaalyahanada Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa inay soo buux dhaafiyeen aagagii ay kasoo baxeen ciidamada Raaskambooni iyo kuwa TFG iyadoo lagu soo waramay inay jiraan gurmadyo xoogan oo shabaabku usoo direen deegaanada Jubadda Hoose ay la isku horfadhiyo.
Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2894