Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa Dhinaca Tababarka
Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhgigay nin la sheegay in uu ahaa Sargaal sare oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab una qaabilsanaa dhinaca tababarida.
Sargaalkan ayaa lagu qabtay Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile halkaas ee Ciidamada Dowalada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida iyo Milatariga kasameeyeen Howlgalo lagu baadi goobayay.
Axmad Macalin Fiqi Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay Ninkan ee soo qabteen uu ahaa ninkii ugu sareeyay dhinaca tababarida Al-Shabaab uuna ahaa ninkii Xerada Maslax tababarka ku siin jiray Dhalinayarada Al-Shabaab.
Fiqi ayaa intaa ku daray in Sargaalkan sidoo kale qaabilsanaa mudooyinkan danbe weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ee soo qaadayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab sida uu sheegay.
Agaasimaha Nabad Sugida ma baahin magaca Sargaalkan hasa ahaatee waxa uu xusay in uu qatar uu ku ahaa amaanka Magaalada Muqdisho.
sikastaba hay’ada Nabad Sugida ayaa mudooyinkii danbe ku hoolaneed dabagalka iyo soo qabashada raga Al-Shabaab katirsan ee kusugan Gudaha Magaalada Muqdisho kuwaa oo qorshayaal amaanka ka dhan ah Magaalada kawaday.
Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2848