|

Nin dhalinyaro ah oo mar walba lagu qabsado in uu ka been sheego da’da uu jiro “Daawo”

Mohammed Farouk Abul-Hassan waa nin dhalinyaro oo 23 sano jir ah, balse muuqaal ahaan u eg wiil 12 sano jir ah, waana mid dadka ka yaabisa marka uu u sheegto inay da’diisu tahay 23 sano jir.

Mohammed Farouk ayaa wuxuu u dhashay dalka Falastiin, isagoo sidoo kalana ku dhashay dalkaasi, laakiin wuxuu ku soo barbaaray Magaaladda Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Dadka ayaa su’aalo diidmo leh ka keena kolka uu Mohammed Farouk uu u sheegto da’diisa oo ah 23 sano jir, isla-markaana waxay kula doodaan inaysan da’diisuba ahayn 23 sano, oo uu ka been sheegaayo.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa la-sheegay in markuu yaraa uu jirkiisu joojiyay koriimada, waana taas midda ugu wacan inuu u muuqaal ekaado 12 sano jir, isagoo ay da’diisu tahay 23 sano ah.

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=2768

Posted by on Mar 26 2012. Filed under Madadaalada, Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented