|

Wiil Soomaaliyeed oo is dal dalay kadib markii Xaaskiisa u sheegtay Hadal uu aad uga Naxo(Caku Dumarku Qiyaano Badnaa)

Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho ka dhacday Dhacdo Xanuun badan Uur kutaalo iyo Murugo badan reebtay kadib markii Wiil dhalinyaro ah isku dal dalay si lama filaan ah sababna u aheed xaaskiisa.

Dhacdadan oo dhacday Todobaadkan Gudihiisa ayaa la sheegay in Wiilka Is dal dalay uu markii hore inta uusan guursan kahor uu aad u Jeclaa Jaceyl dhab ahna u qabay Xaaskiisa uu hada qabay balse nasiib daro ma eesan jacleyn gabadhu Wiilkan waxa eena ka raacday Nin kale ee iyadu Jacleyd.

Waxaa dhacday in Gabadha uu Guursado ninkii iyada ee Jacleyd balse mudo kadib uu soo furay isaga oo ku faray sadax dalaaqo ,Gabadhiina markii Cudadii u dhamaatay ayaa hadana waxa ee ku heshiiyeen gabadha iyo ninka furay in ee isku soo laabtaan.

Waxaasa la isweediiyay maadaama Sadax Dalaaqo la isku furo sidee la iskugu soo laabtaa waxaase go’aan ku gaareen in Gabadho ee soo marto Guur gaaban si markaasi kadib marka lasoo furo ee dib isugu laabtaan Ninkii ee Jecleed ee furay.

Gabadha oo ogeed in Wiilkan Is dal dalay uu aad Jeclaa ayaa go’aansatay in ee Dib ugu laabato Wiilkii iayada Jeclaa hasa ahaatee Wiilka ayaa kusoo dhaweeyay farxad iyo Dareen Naxariisi kujiro ayuu kusoo dhaweeyay Wilkan Is dal dalay isaga oo u maleenayay in uu dib u hantay Jaceylkiisa uu in mudo ah Jeclaa ‘laakin waa miskiin wax kama oga ujeedka dib loogu soo laabtay ,Caku Dumarka qaarkood Qiyaano iyo dhagar badnaa.
Waxaa Dhacday in Wiilka uu guursado Gabadhii uu Jeclaa Aroos heer sare ahna u dhigo isaga niyada ku haya in uu hantay Jaceylkiisa isna jecel halkaasna ee labada Lamaane ee ku aqal galeen.

Hasa ahaatee mudo kadib ayaa waxa dhacday in gabadhu nafta u keentay Wiilka si uu u furo iyadoona kordhisay dhibaatooyinka ee kula dhaqemeeso wiilkaasi si uu ufuro uguna laabato ninka ee iyadu jecleed horeyna usoo furay..

Isbuucan gudihiisa ayaa dhacday in Wiilka iyo gabadha in ee isku dhacaan hasa ahaatee gabadha ayaa mar qura wiilka uga naxsatay hadal Dhulka la wareejiyay aadna uu uga Naxay Wiilkaasi kaa oo ahaa ” Jaale ogow aniga Jaceyl kuuma guursan ee Dan ayaan kuu guursaday hadana iska kee fur ninkeygii hore ayaan ku laabanayaa dantii aan kaa lahaana waan gaaray” ayey gabdhii ku tiri wiilkii sida Dhabta ahaa u jeclaa.

Markii uu Xaalka halkaa marayo Wiilka ayaa waayay wax uu sameeyo Xaalka ayaa ku xumaaday dhulkaa la gariiray gabdhiisa iyada banaanka ayey iska aaday ,wiilka ayaana go’aan ku gaaray in uu Nolasha Isdhaafiyo isna dal dalo isagoona Xarig surtay guriga dhaxdiisa kadib na is dal dalay halkaasna ku geeriyooday .

Kahor intii uusan Is dal dalin Wiilkan ayaa laga soo xigtay Islaan waayeel aheed oo guriga joogta Wiilka oo leh ” Hadii Aduunyo sidaan tahay ma ahan in lagu sii noolaado”.
Arintaan ayaana fajac iyo Qaracan iyo Murugo galisay dadkii dariska la ahaa wiilkaasi is dal dalay iyo qaraabadiisa iyadoona Sheekadaasi Xaafado kamid ah magaalada Muqdisho si weyn looga hadal hayo.

mana ahan dhacdadii ugu horeesay oo Ceynkan oo kala ah oo Muqdisho ka dhacda Sanadii 2010-kii ayey aheed markii Dhacdo ceynkan oo kala ah ee ka dhacday Xaafada Bangala ee Dagmada Dayniile kadib markii Nin isna uu sidaan oo kale isku dal dalay.

  Farxiyo Ladan Beeldeeq.com 

  http://www.facebook.com/farxiyoladan

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=1399

Posted by on Feb 10 2012. Filed under Wararka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented