Maamulka Siilaanyo oo Diyaariyay Shir Qool uu La Doonayo in Baxar lagu Galiyo Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin
Sida uu Ku soo Waramayso Wariyaha Beeldeeq.com Muno C/qaadir oo Hada Howlo shaqo u joogta Magaalada Hargeysa Ismaamulka Somaliland Ayaa Heshay Sir Muhiim ah oo Ku Saabsan Madaxweynaha Talada Somaliland Iyo Xulufadiisa
Xulufadda Ahmed Siilaanyo ayaa Xeer ilaalinta guud iyo golaha Wakiiladda Somaliland u gudbiyay dacwad la xiriirta in Dahir Reyale Kahin iyo Wasiiradii Xukumadiisa lunsadeen lacag gaareeysa 57 Billion Somaliland shilling taas oo u dhiganta 9 Milyan oo dollar ahna Miisaaniyadii 2010.
Ila wareedyo ka tirsan Sirdoonka Somaliland ayaa U Xaqeejiyay Wariyaheena Muno C/qaadir oo Ku sugan Magaalada Hargeysa in Dahir Reyale Kaahin halis kala kulmi karo Magaaladda Hargeysa oo warar hoose sheegayaan inuu tegi doono 8 Febaury 2012.
Inkastoo eedeynta Dahir Reyale ee lacag lunsiga dadka qaar ku fasireen shirqool siyaasadeed hadana waxay Xeeldheerayaashu walaac ka muujiyeen amaankiisa hadii uu xilligaan tago Hargeysa .
Hargeysa waxaa jooga Saraakiishii Al-Shabaab ee Dahir Reyale uu xabsiga u diray,sida ba’ana ula dagaalamay sidoo kalena waxaa kala qeybsan Xisbiga uu ka yahay Gudoomiyaha ee UDUB oo laba garab u kala jabay.
Dahir Reyale hadii uu ka badbaado seefta Al-Shabaab waxaa hubaala inuu ka badbaadi doonin seefta Wasiirka Madaxtooyadda Siilaanyo ,ninka lagu magacaabo Xersi Xaaji Cali oo ku adkeeysanaya in Maxkamad la horgeeyo Madaxweynahii hore ee Somaliland.
Filo Goor Dhaw Sawiro Iyo Codad Quseeya Sirtaasi
Muno C/qaadir Beeldeeq.com
www.beeldeeq.com
munomuqdisho@hotmail.com
Short URL: http://beeldeeq.com/?p=1027