|

Urur sports oo loogu dhawaaqay magaalada Manchester.

Hall-ka Phill Marten Centre oo ku yaala xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Moss ee magaalada Manchester waxaa lagu qabtay furitaanka xaflada Ururka cusub oo la yiraah Somali Sports & Culture Association (SSCA),  kaasoo uu guddoomiye ka yahay Cabdulkadir Abubaker Sayid (Abdi Kuus), ku xigeenka 1 waxaa loogu dhigay Mohammed Ibrahim (Iidow).

Guddoomiye Cabdi kuus oo ka Hadlay xafladii ururkiisa ayaa sheegay in  sababta loo furay ururkaan ay tahay codsi dadweynaha kaga yimid oo ah in la sameeyo urur Sports oo u gaar ah dhalinyarada Soomaalida ah ee magaaladaan ku nool, kaasoo sidoo kale ka shaqeyn doona Hiddaha iyo dhaqanka ah.

Macalim BK oo tababare u ah koox la yiraah Old Trafford FC ayaa u balan qaaday in awoodiisa uu siin doono ururkaan gaar ahaan sidii loo soo saari lahaa caruur Soomaaliyeed oo kubadda cagta taqaan  kadib markii uu arkay sida uu sheegay  caruur Soomaaliyeed oo dayacan.

Xiddigii hore ee kooxdii Horseed Ahmed Sheegow oo munasabadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la sameeyo xarun sports oo u gooni ah caruurta Soomaaliyeed si loogu maaweeliyo xilliyada ay fasaxa leeyihiin intii ay wax yaabo kale ku mushquuli lahaayeen.

Macalin Maxamed Saalim oo heysta shahaadada  heerka 3 ee macalinimo isla markaana macalin ka ah Dubai ayaa u balan qaaday caruurta Soomaaliyeed inuu tababaro u geeyn doono Dubai iyo Qatar maadaama ay halkaasi ka jiraan xarumo ay ku tababartaan caruur ay dadoodu tahay  19-20 sano jir .

Dahir Mohamed  Jeylaani  oo ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay kooxdii Patrol-ka Soomaaliya ayaa u balan qaaday  ururkaasi inuu siin doono xafiis ay si kumeel gaar ah ugu sii shaqeeystaan.

Short URL: http://beeldeeq.com/?p=823

Posted by on Dec 27 2011. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented